Xisbiga Bidixda

Xisbiga Bidixda wuxu doonayaa in dadku ay is caawiyaan
oo qaadaan mas’uuliyad, ahaadaana kuwo isgarabsi leh.
Xilligi 1900-meeyadi gudaha Iswiidhan waxa dhaqdhaqaaqa
haweenka iyo dhaqdhaqaaqa shaqaalahu ay u halgameen
sidii aynu u heli lahayn daryeel/nabadgelyo iyo
bulsho aad u siman.

Laakiin 30 sanno ee ugu dambeeyay Iswiidhan mar kale
ayay sii xumaatay.
Shirkado bakhayliin ah ayaa si dheeraad ah hogaanka u haya.
Iswiidhan waxay yeelatay shaqo la’aan sareysa, guryo yaraan,
daryeel sii liita iyo bulsho ay aad u yartahay sinnaanteedu.

Xisbiga Bidixdu muhiim ayuu u yahay Iswiidhan.
Haddii aad noo codayso markaasi waxaad kaalmaynaysaa
in la baddelo dawladda.
Waxanu doonaynaa inaanu si wadajir ah Xisbiga Bulshada
Dimuqraadiga iyo Xisbiga Cagaaran uga mid ahaano dawladda cusub.
Halkaasi ayaanu uga halgami doonaa caddaalada iyo sinnaan iyo
ka hortaga kharribidda ama wasakhaynta deegaanka.

Waxanu mar horeba muujinay inaanu samayn karno sii
wanaajin weyn dhinaca degmooyin badan oo dalka ah.
Waxanu tusaale ahaan kor u qaadnay mushaarooyinka haweenka
Malmö iyo bilaabida gaadiidka dadweynaha Kiruna oo bilaash ah.

Shaqo, daryeel/nabadgelyo iyo sinnaan waa arrimahayaga ugu muhiimsan.

Dugsi, caafimaad iyo daryeel fiican oo aan lahayn
macaashka gudaha daryeelka iyo nabadgelyada.
Shirkaddaha gaarka loo leeyahay waxay
sameeyaan macaashyo maadaama ay haystaan shaqaale
yar oo ay bixiyaan mushaarooyin hooseeya.
Shirkaddahani waxa kale oo ay sameeyaan macaashyo
marka ay doortaan macaamiisha haysata lacagta ugu
badan oo lagu baddaley kuwa leh baahida ugu
badan ee caafimaad ama dugsi.

Waxanu nahay xisbiga keliya ee doonaya inay wax aan
suurto gal ahayn ka dhigaan in shirkaddaha gaarka loo
leeyahay ay macaashyo waaweyn ka shaqaystaan
dugsiga, caafimaad iyo daryeelka.